Madaxweynaha Galmudug Cabdi Axmed Kaariye (Qoorqoor) ayaa dhexda uga jira xaalad adag oo kasoo wajahday musharixiinta Madaxweynaha ee kasoo jeeda Galmudug, kadib muran ka dhashay Guddiyada Doorashada ee ay magacawday dowladda Federaalka.
Qoorqoor oo xilka Galmudug ku yimid taageero uu ka helay madaxdii dowladda Federaalka ee Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kulan muddo dheer qaatay la yeeshay musharixiinta kala ah: Xasan Sheekh Maxamuud, C/raxmaan C/shakuur, Xasan Cali Kheyre, Daahir Maxamud Geelle iyo C/kariin Xuseen Guuleed ayaa laga dalbaday inuu bedelo Guddiga Doorashada ee Galmudug, kaasoo ay ku jiraan xubno ka tirsan NISA.
Shirka oo xilli danbe la isku gaaray ayaa cadaadiska ku kordhiyey Axmed Qoorqoor, waxayna wararku sheegayaan in haddii uu diido dalabka musharixiinta kasoo jeeda Galmudug inuu wajihi doono xaalad siyaasadeed oo keeni karta in mooshin xilka looga tuuro, waxaana hore ugu kacsanaa inta badan Golaha wasiirada Galmudug.
Xogta ayaa sheegeysa inuu Qoorqoor wado qorshe uu doonayo inuu isku furto, kaasoo ah inuu dhexdhexaadiyo Madaxweyne Farmaajo iyo Musharixiinta Mucaaradka si uu uga badbaado inuu kala doorto Farmaajo iyo musharixiinta beeshiisa ee dagaalka siyaasadeed ka dhaxeeyo, taasoo aan la ogeyn inuu ku guuleysan karo.
Waxaa culeyska kusii kordhiyey Madaxweynaha Galmudug in Xasan Kheyre oo qeybta ugu weyn ku lahaa doorashadiisa uu hadda ka mid yahay musharixiinta mucaaradka ee culeyska ku saaraya inuu ka haro taageerada Madaxweyne Farmaajo.
Uma fududa Qoorqoor inuu mucaaradka ku biiro, kuna gacan seyro Farmaajo iyo Fahad Yaasiin, kumana dhiiran karo inuu ku gacan seyro siyaasiyiinta miisaanka leh ee Galmuduug, laakiin wuxuu dhexda ugu jiraa xaaladii ug adkeyd ee waayhiisa Madaxweynaha Galmudug.