MUQDISHO:-Kooxda al-Shabaab ayaa sheegaty in ay ka dambeysay weerarkii xalay uu qof isa soo miidaamiyay ka fuliyay makhaayad lagu iibiyo jalaatada oo ay 7 qof ku geeriyoodeen.
Kooxda oo qoraal soo dhigtay website-ka afkeeda ku hadla ayay ku sheegtay in mid kamid ah dagaalyahannadeeda uu weerar ku qaaday makhaayad ay fadhiisan jireen saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga dowladda.
Shabaab ayaa sheegay in ay weerarkaas ku dileen 10 qof oo ay ku jiraan saraakiil iyo xubno sirdoonka dowladda 15 kalena ay ku dhaawaceen.
Wasiirka wafaafinta dowladda Soomaaliya, Cismaan Dubbe ayaa qoraal uu soo saaray ku cambaareeyay weerarkaas isaga oo intaa ku daray in weerarkaas uu muujinayo sida argagixisadu ugu oomantahay daadinta dhiigga shacabka.
Muqdisho ayaa sanadkan aad uga nasatay qaraxyadii iyo weerarradii isadaba joogga ahaa ee ay kooxdu ka fulin jirtay magaalada iyada oo ciidamada dowladduna ay had iyo jeer wadaan howlgallo ay ku wiiqayaan awoodda kooxda.