ADDIS ABABA:-Ciidamada milatariga Itoobiya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen dhowr magaalo oo ku yaalla gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya.
Milatariga Itoobiya ayaa muddo toddobaadyo ah dagaal xooggan kula jiray xoogagga Tigray ee TPLF.
Janaraal Xassan Ibrahim oo u hadlay ciidamada dowladda ayaa sheegay in Milatariga ay gacanta ku dhigeen Wikro, iyo magaalooyin kale oo ku teedsan caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle.
Hadalka afhayeenka ayaa ku soo beegmaya xilli ay dowoladda sheegtay inay bilaabayso wajigii ugu dambeeyay ee howlgalka Tigrey.
Boqollaal qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen dagaalka, halka kumannaan kalena ay qaxeen.
Horey ra’iisul wasaaraha Itobiya waxuu sheegay in militariga ay isku dayi doonaan inaysan waxyeelo u geysan dadka rayidka ah ee ku sugan magaalada Mekelle.
Mekelle waxaa ku nool 500,000 oo qof islamarkana waxaa shacabka loogu baaqay in ay guryahooda ku nagaadaan.
Madaxada TPLF, ee gacanta ku haysa magaalada Mekelle, ayaa waxay wacad ku mareen inay dagaalka sii wadi doonaan.
Qaramada Midoobey ayaa dhankeeda ka digtay suurtagalnimada dambiya dagaal, haddii militariga Itoobiya ay weeraraan magaalada Mekelle.
Qaramada Midoobey ayaa sidoo klae walaac ka muujisay inaysan hay’adaha gargaarka fursad u heleyn inay gaaraan dadka dagaalada ay saameynta ku yeesheen.