Guddoomiye Ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa Aqalka Dowladda Hoose maanta kulan la qaatay Guddoomiye Ku Xigeenada Amniga Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa waxaa warbixin ku saabsan xaaladda Amniga looga dhegeystay Maamulladda Degmooyinka, waxaana intaas kadib Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda kula dar-daarmay iney laaban laaban Howlaha Shaqo ee ay u hayaan Bulshada.
Kulanka Waxaa Goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Amniga, La-taliyaha Duqa Magaalada Muqdisho dhinaca Amniga iyo Agaasimaha Xiriirka Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay ay falal amni darro ka dhacayeen Magaalada muqdisho, isla markaana uu ka dhacay qarax ismiidaamin ahaa oo lagu dilay ku dhawaad 10 Dhalinyaro ah.