NAIROBI:-Xoghayaha wasaraadda arrimaha dibadda Kenya, Kamau Macharia ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin go’aankii ay dowladda Soomaaliya dalkeeda uga soo ceyrisay danjirihii Kenya Lucas Tumbo.
Macharia ayaa sheegay in Nayroobi ay qiimeyneyso go’aanka Muqdisho ka soo baxay sidoo kalena ay jawaabta u marsiin doonto hilin ku habboon iyo xilli ku habboon.
“Hab dhaqankaas lama filaanka ah ee aan loo aaba yeelin ee kasoo baxay madaxda Soomaaliya waa arrin u baahan dhiraandhirin ka hor inta aanna jawaab ka bixinin, waxaana dhawaan jawaabta u sii marin doonnaa hilinka ku habboon” ayuu yiri mudane Macharia.
Axaddii shalay ayay xukuumadda Soomaaliya soo saartay go’aan ay danjiraheeda Nayroobi ugu yeeranayso sidoo kalena ay ku areyso kan Kenya ee Muqdisho inu uu dib ugu laabto dalkiisa.
Soomaaliya ayaa tallaabadan ku macnaysay mid ay uga jawaabeyso faragelin ay Kenya ku hayso arrimaha gudaha iyo siyaasadda Soomaaliya.
Kenya iyo Soomaaliya ayuu horay uga dhexeeyay muran xuduud badeed kaas oo haatan horyaalla maxkamadda ICJ.
Kenya ayaa sidoo kale qeyb ka ah ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.