BAYDHABO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlayay xaflad sagootin aheyd oo xalay loogu qabtay magaalada Baydhabo ayaa soo hadal qaaday Guddiyada doorashooyinka ee ay ka cabanayaan musharixiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashada 2020-2021.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in Magacaabista Guddiyada doorashooyinka ay qeyb ka aheyd heshiisyadii doorasho ee ka kala dhacay Dhuusamareeb iyo Magaalada Muqdisho waxa uuna intaas ku daray inuu diyaar u yahay in uu la fariisto musharaxiinta saluugsan habka loo magacaabay guddiyadaas.
“Waxaa jira Musharaxiin walaac ka muujiyay guddiyadaas la soo magacaabay, waxaan rabaa inaan musharaxiintaas kala fariisto ugana dhaadhiciyo sida guddiyada la soo magacaabay ay u yihiin wax macno leh oo wadanka ka gudbinaya doorashada una gudbinaya dowladdii wadankaan maamuli laheyd afarta sano ee soo socda” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.
Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli musharixiinta Madaxweynaha ay diidan yihiin Gudiyada doorashooyinka, sidoo kalena maanta la filaayo inay go’aano kasoo saaraan shirka uga socdo Magaalada Muqdisho.