PARIS:-Qareenno u hadalay muslimiinta Faransiiska ee adeegsada app-ka laga helo xogaha la xariira salaadaha ee loo yaqaanno Muslim Pro, ayaa maxkamad la koraya shirkadda maamusha, oo lagu eedeeyey in ay iibisay xog u gacan gashay ciidamada Mareykanka.
Muslim Pro ayaa sheegta inay ku xiranyihiin dad tiradoodu gaadheyso 95 milyan oo qof oo kala jooga dunida dacalladeeda.
Dad horay u isticmaalay app-kan, ayaa dacwaddan furay kaddib markii warbaahinta qaar ay sheegeen in ay xogta dadka la wadaagtay shirkado ku xiran ciidamada Mareykanka.
Kiiska dacwadeed, oo uu shaaca ka qaaday raadiyaha Faransiiska ee RTL, ayaa shirkadda ku eedeeyey gef ka dhan ah ilaalinta xogta, ku xadgudubka aaminaadda, halis gelinta nolosha dadka, iyo maleegidda shirqool dil.
Eedeynta loo soo jeediyay Muslim Pro ayaa timi kaddib markii warbaahinta Mareykanka ee Vice ay todobaadkii tagay sheegtay in ciidamada Mareykanka ay xogta halka ay joogaan dadka ku xiran ka iibsatay dhowr app oo ka jira meelo kala duwan oo dunida ah.
Vice ayaa sheegtay in app-yada xogta laga iibsaday uu ku jiro Muslim Pro, oo hela xogta halka uu joogo qofka isticmaalaya, si loogu wargeliyo xilliga Salaadda iyo jihada ay ka jirto qiblada ee Makka.
Shirkaddan ayaa xogta ka iibisay shirkad lagu magacaabo X-Mode, oo kaddibna ka iibisaya ciidamada Mareykanka oo ay qanadaraas kula jirto, sida ay sheegtay Vice.
Ciidamada Mareykanka ayaa xogahaas u adeegsan kara howlgalladooda dibedda, sida ay sheegtay Vice, ayada oo la tuhmayo in loo adeegsan karo dilal ka baxsan sharciga sida duqeymaha drone-ka.
Soo ifbixii eedeyntan kaddib, Muslim Pro ayaa sheegtay in ay gebi ahaanba joojin doonto inxogta macaamiisheeda ay la wadaagto dhammaan shirkado kale
Shirkaddan oo uu aasay qof Faransiis ah oo fadhigiisu yahay dalka Singapore ayaa sidoo kale sheegtay inay billaabeyso baaritaan gudaheeda ah.