NAIROBI:-Rashid Charles Mberesero oo loo heystay ku lug lahaanshaha weerarkii 2015-kii lagu qaaday jaamacad ku taalla magaalada Garissa ee dalka Kenya ayaa isku dhex daldalay gudaha xabsigii uu ku xidhnaa.
Mberesero, iyo labo kale oo ku eedeysnaa isla kiiskaas ayay maxkamad ku taalla Kenya ku xukuntay xabsi daa’in.
Wargeyska ka soo baxa Kenya ee Standard ayaa shaaciyay in ninka oo u dhashay dalka Tanzania uu maskaxda ka xanuunsanaa intii uu xabsiga ku jirayna uu la kulmi jiray dhaqtar cilmu nafsiga ah.
ninkan ayaa la sheegay in uu is daldalay isaga oo adeegsanaya bustihiisa.
Saddexdii bishii April 2015, afar nin oo hubaysan ayaa weerar ku qaaday Jaamacadda Garissa ,iyaga oo si aan kala sooc lahayn dadka u tooganayay.
Weerarka ayaa dhacay 5-tii aroornimo xilli ardaydu badankood ay isu diyaarinayeen gudashada waajibka salaadda subax.
148 qof oo ka tirsanaa bahda jaamacadda gaar ahaan ardayda ayaa weerarkaas ku naf weyday.
900 oo arday ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeeen dhismaha jaamacadda xilligii uu dhacay weerarkaas.
Ciidamada ammaanka ayaa isku gadaamay jaamacada islamarkaana ugu dambeyntii dilay raggii weerarka soo qaaday.