MUQDISHO:- Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa xalay qorituur u sameeyay Kooxaha ka qeybgalaya tartanka kubbadda cagta ee maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo la filayo in 15-ka bisha December uu ka furmo magaalada Muqdisho.
Qorituurka oo loo sameeyay labo group oo kala ah A iyo B ayaa waxaa groupka A wada galay kooxaha matalaya Gobolka iyo maamul goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug halka group-ka B ay wada galeen Kooxaha Matalayaa Maamul Goboleedada Koonfur Galbeed, Buntilaan iyo Jubbalaan.
Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Basma Caamir Shakeeti oo ka soo qeyb gashay munaasabadda qorituurka ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay in gobolka Banaadir uu martigeliyo tartanka koobka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
“Waan ku faraxsannahay sharaf ayayna noo tahay in gobolka Banaadir uu martigelinayo koobka tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, waxaan ka xumahay in labadii sano ee la soo dhaafay ay tartamadu cillad farsamo u baaqdeen, balse sanadkaan aad ayaa loo soo diyaariyay waana mid xiisa badan” ayay tiri Guddoomiye Basma Caamir Shakeeti.
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Cabdiqani Siciid Carab oo madasha qorituurka ka hadlay ayaa sheegay in tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir uu kamid yahay tartamada ugu xiisaha badan looguna jecelyahay tartamada ciyaaraha ee dalka ka dhaca.
Ugu dambeyn Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xaaji Ibraahin Cali oo ka hadlay munaasabadda qorituurka ayaa sheegay in hadafka loo qabto tartamada ciyaaraha uu yahay isdhexgalka bulshada iyo isbarashada dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku kala nool gobollada duwan ee Soomaaliya.