Waxaa sii kordhaya khasaaraha nafeed iyo midka hantiyadeed ee ka dhashay roobab duufaano watay oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay degaano iyo degmooyin ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland.
Degaannada duufaanta ay ku dhufatay ayaa waxaa kamid ah degmada Xaafuun ee gobolka Karkaar, waxaana la sheegay in dhimashada markii hore ay aheyd laba oo kalluumeysato Yemeniyiin ah, hayeeshee haatan dhimashada ay gaartay lix Yaminiyiin ah.
Kalluumeysatada Yamaniyiinta ah ee ku dhintay duufaanta iyo Robka ka da’ay degmada Xaafuun ayaa meydkooda waxaa lag helay Xeebta Magaaladaas, waxana sidoo kale jira dhaawac soo gaaray guddoomiyaha degmada xaafuun sida la soo sheegayo.
Magalaada Hurdiya oo aan ka fogayn Xaafuun, badda ayaa ku soo kacday, dadkiina waxay u barakeceen bannaanka magaalada, doonyo kalluumeysi ayaa sidoo kale ka soo caaryey, qaar kalena badda ayaa la tagtay ayuu yiri” qof ka mid ah dadka Magaalada.
Dhanka kale Dowladda Soomaaliya & Maamulka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay soo saarayeen digniino la xiriira duufaano io roobab dabeylo watay oo laga cabsi qabay, kuwaas oo durba bilaawday.