Waxaa maalintii Saddexaad galay Shirka u dhaxeeya 14 musharax oo u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo si adag uga hadlayay Arrimaha doorashooyinka & cabashada ay ka qabaan guddiyada doorashooyinka.
Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa waxaa Musharixiinta Madaxweynaha ay aad uga hadleen in Dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay ka laabatao Guddiyada doorashooyinka oo ay soo Magacaawday,kuwaas oo ay sheegeen in laga soo xulay Taliska NISA & Shaqaalaha Dowladda.
Xalay qoraal ay soo saareen musharixiinta Madaxweynaha ayaa waxay ugu baaqeen madaweynayaasha Puntland iyo Jubbaland inay in guddiyadooda doorashada ka saaraan xubno ay sheegeen inay ka tirsan yihiin shaqaalaha rayidka.
Musharixiinta Madaxweynaha ayaa shalay la kulmay Urururada Bulshada Rayidka iyo Culimadda Soomalaiya, iyaga oo kala hadlay Arrimaha doorashooyinka & khilaafka Guddiyada doorashada, waxaana la filayaa inay Maanta la kulmaan Ururada dhalinyarada & Haweenka.
Gelinka dambe ee Maanta ayaa la filayaa in la soo geba-gabeeyo shirka Musharixiinta Madaxweynaha hadii aan wax isbedelin, iyaga oo soo saari doona WarSaxaafadeed ay uga hadlayaan cabashada ay ka qabaan Guddiyada doorashada iyo mowqifkooda doorashada.