Dawladda Kenya ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay Go’aankii xalay dowladda Soomaaliya ay dalka uga saartay Safiirkii Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo,isla markaana ay ugu yeertay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in aanay soo gaarin warqad rasmi ah oo uga timid Dawladda Federaalka Soomaaliya taas oo ay ugu yeeratay Safiirkeedii Nairobi.
Dawladda Kenya waxay qoraalkeeda ku sheegtay inay sii wadayso taageerada ay siiso Shacabka Soomaaliyeed.
Qoraalkii xalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay sababta ay tallaabadaas u qaaday inay la xiriirto in Dowladda Kenya ay si bareer ah u faragelinayso Arrimaha gudaha Soomaaliya, iyada oo cadaadis ku haysa Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, si uu u fuliyo qorshaheeda ku aaddan faragelinta iyo carqaladeynta heshiiskii siyaasadeed ee Doorashooyinka.
Dhanka kale waxaa sanadihii la soo dhaafay aad u xumaa xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo salka ku haaya Arrimo la xiriira kiiska Badda iyo doorasoyinkii ka dhacay Jubbaland, waxana taasi ay sababtay in dowladda Soomaaliya ay joojiso jaadkii ka imaan jiray dalkaasi Kenya.