GENEVA:-Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka digtay in uu joogdsado dadaalladii lagula dagaallamayay xanuunka duumada.
Hay’adda ayaa warbixinteeda sanadeedlaha ah ee xanuunka ku sheegtay in xaaladaha iyo geerida uu sababo xanuunkan aanay wax weyn iska bedelin labadii sano ee la soo dhaafay.
Waxa ay hay’addu hoosta ka xarriiqday in hoos u dhaca dadaallada la dagaallanka Malaariyada uu wiiqayo horumarkii la sameeyay tan iyo billowgii qarnigan.
Xanuunka duumada ama Malaariyada waxaa sanad walba u geeriyooda ku dhawaad afartan milyan oo qof kuwaa oo badankood ka soo jeeda Afrikada ka hooseysa saxaraha weyn.
Waxaa iyana jirta cabsi laga qabo hoos u dhac ku yimaada dhaqaalaha lagula dagaallamo xanuunka Malaariyada maadaama dunidu ku mashquulsantahay xanuunka COVID-19.