NEW YORK:-Golaha Ammaanka ayaa lagu wadaa in Talaadada maanta ah uu kulan ka yeesho xaaladda colaadeed ee ka taagan gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.
Kulanka oo ku dhici doona habka fogaan aragga ayay goluhu ku lafa guri doonaan xaaladaha dagaal iyo ku bani aadannimo ee uu gobolkaasi martida u ahaa saddexdii todobaad ee la soo dhaafay.
Kulanka uu goluhu kaga arrinsanayo colaadda u dhexeysa ciidamada dowladda iyo jabhadda Tigray ee dalka Itoobiya ayaa imanaysa xilli xukuumadda dalkaasi ay sheegtay in dabbaabadaheeda dagaalku ku sii fool leeyihiin magaalada Maqalle oo xarun u ah jabhadda TPLF.
Xukuumadda ayaa jabahadda u qabatay in muddo saddex cidmaal ah oo ku eg Arcada berry ah in ay isugu soo dhiibaan dowladda hase yeeshee jabhadda ayaa gooddiskaas ka biyo diidday.
Ciidamada dowladda ayaa guulo ka sheegtay dagaalka ka dhanka ah Tigreega iyo in ay qabsadeen magaalooyin dhowr ah sida Aksum, Adwa iyo Adigrat.
Dagaalka muddada saddexda todobaad ah ka socda gobolka Tigray aya asababay dhimashada boqollaal ruux halka kumannaan kalena ay nafta ula baxsadeen dalka Suudaan oo deris la ah gobolkaas.
Isgaarsiinta gobolkaas oo gabi ahaanba go’an ayaa sii adkeyneysa in xog rasmi ah laga helo xaaladda dhabta ah ee uu gobolkaasi ku suganyahay.