ADDIS ABABA:-Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda federaalka Itoobiya, Gedion Timothewo ayaa amar ku bixiyay in la soo xiro 167 qof oo lala xiriirinayo dagaalka ka Socda gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas.
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha ayaa lagu sheegay in TPLF ay wadaan dambi halis ah sida ku xusan sharciga la dagaallanka dambiyada dalka.
Weerar lagu qaaday ciidamada dowladda ayuu sheegay in uu ahaa tallaabo dambi ah oo la doonayay in lagu wiiqo cududda dowladda.
Xeer ilaaliyaha wuxuu ku tilmaamay gantaalladii lagu garaacay gobolka Amxaarada inay ahaayeen falal argagixiso.
Arbacada berry ah ayay ku egtahay saddexdii maalmood ee loo qabtay inay isku soo dhiibaan xoggaga TPLF iyo madaxdooda.
Hoggaamiyaha TPLF ayaa sheegay shacabkiisu ay diyaar u yihiin in ay u dhintaan difaaca xuquuqdooda iyo tan maamulka deegaankooda.
4-tii bishan ayay ahayd markii ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu amar ku siiyay ciidamada dowladda in ay guluf ku qaadaan gobolka Tigray oo ay maamulaan jabhadda TPLF.
Xogaha laga helayo gobolka uu dagaalka ka socdo muddada saddexda todobaad ah ayaa aad u yar Khadka isgaarsiinta iyo kan internet-ka oo go’an awgood.