Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay billowday qorshe ay ku heshiisiineyso dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubaland.
Wararku waxay sheegayaan in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubaland ay gaareen magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, islamarkaana ay kawada hadleen arimaha gobalka Gedo iyo doorashada Soomaaliya.
“Addis Ababa ayaa lagu kulmay waxaana garwadeen ka ah Abiy Axmed oo qaabilay labada dhinac waxa uuna ka dalbay in Itoobiya ay xaliso aerinta gobalka Gedo labada dhinacana ay wakiishaan, Jubbaland waa diiday waxay adkeysatay in ciidankaas oo aan laga saarin Gedo heshiis geli karin haddii ay dhici weysana dagaal dhici doono,” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.
Dhanka kale Jubaland ayaa kalsooni ku qabin Itoobiya maadaama hadda ka hor ay weerareen Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, sidoo kalane la sheegay inay isku dayeen qabashada Axmed Madoobe waana sababta uusan ilaa hadda u aadin dalka Itoobiya kagana cudur daartay casuumado uga yimid Ra’iisul Wasaaraha wadankaas Abiy Axmed.