Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah Baydhabo ugu qabteen Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Baay iyo Guddoomiyaha Maxkamada Darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida qeybta 60aad ka dib shir ay yeesheen Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida qeybta koonfur Galbeed, looga arinsaneyay Arrimaha amaanka deeganada koonfur Galbeed ayaa waxaa laga soo saarey Ammaro ku aadan Askarigii dil ama faldambiyeed geysta una hogaansami waayo Amarka Talihiisa, lala tiigsan doono Shaciga .
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Baay gaashaanle dhexe Aamiin Mad daruur iyo Guddoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee Ciidamada Gaashanle Sare Aadan Abuukar Maxamed ayaa fariin u direy Ciidamada qeybahooda kala duwan.
Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Genaraal Maxamed Sheikh Cabdullahi (Ciirow) ayaa Ciidamada farey in u hogaansamaan Sharciga iyo qaanuunka udegsan dalka kana fogaadaan Falalka gurcan.
Ugu dambeyn Taliye Maxamed Sheikh Cabdullahi ayaa Ciidanka Xoogga qeybta 60aad uga digay inay faragelin ku sameeyaan Arrimaha siyaasadda, Xili Magaalada Baydhabo dhawaan la fileyo in ka dhacdo doorashada Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya.