Xaalad adag inay ka dhalato ayaa laga digayaa Hanjabaadii Cumar filish Khamiistii Jeediyey taas oo laga digay in Marxalad adag dadka Soomaaliyeed wajihi karaan.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa jeediyey Khudbad loo arkayey in Madaxtooyada La ogeyd kuna baaqay in la dilo cid walbo oo Amniga Lid ku ah iyo Doorashada Dawlada ay qabaneyso.
Iyadoo Xaaladu sidaa aheyd ayey ka jawaabeen Cumar Filish Hadalkiisana ku sheegeen mid la mid ah Warkii Argagaxisada lagu yaqaanay,sida ay Qoraalka Murashaxiinta Mucaaradka kusoo saareen.
Taliye kuxigeenkii hore Ee Nabad Sugida Soomaaliya Cabdi Salaan Yuusuf Guuleed ayaa sheegay in wax layaab leh ku noqotay Shacabka in Aayado Qur’aan Cumar Filish udaliishado baneysiga Dhiiga Murashaxiinta.
Waxa uu ku Eedeeyey Madaxtooyada Soomaaliya in Xitaa ay bilowday Masaajida in laga habaaro Mucaaradka diidan Madaxweyne Farmaajo dib usoo laabashadiisa.