Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi ka bilowday banaan bax weyn oo looga soo horjeedo maamulka cusub ee Hirshabelle uu Madaxweynaha ka yahay Cali Guudlaawe.
Dadka banaan baxa dhigayay oo isugu soo baxay wadooyinka magaalada Baladweyne ayaa ku qeylinayay ereyo ka dhan ah maamulka cusub ee Hirshabelle iyo hogaanka maamulkaasi ee lagu doortay Jowhar.
Banaan baxayaasha oo u badnaa dhalinyaro ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay kamid ahaayeen ”Dooni meyno Hirshabelle iyo Dooni meyno Cali Guudlaawe” waxa ayna dadkan muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan Hirshabelle.
Sidoo kale dibad baxayaasha ayaa taageero u muujinayay ciidamo maleeshiyo beeleed ah oo isku aruusday duleedka magaalada Baladweyne kuwaa oo kasoo horjeeda maamulka Hirshabelle iyo imaatinka Cali Guudlaawe ee magaalada Baladweyne.
Waxii warar ah ee kusoo kordha banaan baxan kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah