Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah musharaxiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo in uu doonayo in uu doorashada dalka ka dhacaysa uu noqdo garsooraha doorashada.
Hadal uu ka jeediyay musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur kulanka musharaxiinta madaxweynaha ee ka socda Muqdisho ayaa waxa uu ku baaqay in tartanka doorashada madaxweynaha soomaaliya uu noqdo mid loo siman yahay.
“Madaxweyne farmaajo waxa uu rabaa inuu yiraahdo ciyaartaan aan isla galno firimbigana anaa jeebka ku haysto adiga markaad gacan kut aabatio firimbiga waa la yeerinaa haddaan aniga ku taabtana lama yeerinaayo,”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale munaasabadan ugu baaqay madaxda dowlad goboleedyada iyo ra’iisul wasaaraha inay dhexdhexaad ka noqdaan doorashada.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale sheegay in Madaxtooyada ay ku soo hareen Farmaajo iyo taliyihiisa nabadsugidda haddana la gaaray xilli danta guud ay waajib tahay in la ilaaliyo.
Waxa uu xusay musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur in wixii shaqsi ah la iskula dulqaadanayo balse wixii danta guud ah loo istaago iyadoo danta guud oo loo istaago ay diinta islaamku qabto.
“Meesha dad waa joogaa in la dhaho yac waa la iska kiin dhici karaa ee inaan yac la dhaho yaanan la isla gaarin.”ayuu sii raaciyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Musharaxiinta shirka uu ugaga socdo hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa kulankoodii waxaa lagu wadaa in la soo gabagabeeyo maalinta arbacada oo bishuna tahay 25ka November 2020.