Warar lagu kalsonaan karo aan ka helnay magaalada istanbul ee dalka Turkiga ayaa shegaayo in Xasan Cali Kheyre ra’isulwasaarihii hore Soomaaliya ladhigay isbitaal halkaas ku yaalo.
Wararka ayaa shegaayo in Kheyre xaaladiisa caafimaad aad u wanaagsantahay balse oo doonaayo in jeekin caafimaad kusameyo caafimaadkiisa madaama sanadihi ugu danbeeyay saaid ugu mashquulsanaa siyaasada.
Kheyre ayaa lasheegay in isbitaalka kujiri doono sadax maalin ayadoo jeekin guud lagu sameyn doono xaaladiisa caafimaad.
Warar hordhac ah aan helnay ayaa shegaayo in dhaqaatiirta kula taliyeen in oo ka nasto siyaasada iyo howlaha adag madaama sanadihii lasoo dhaafay si saaid ah ushaqeynaaye.
Kheyre ayaa haatan safaro siyaasadeed ku maraayo dalalka saameyn kuleh siyaasada Soomaaliya waxaana oo kamidyahay musharixiinta haatan u taagan xilka madaxweynaha kuwooda ugu saameynta badan.
Siyaasihiinta xilalka sar sare kasoo qabta dowlada Soomaaliya ayaa xaalado caafimaad utago dalalka caalamka ugu wanaagsan caafimaadka.