Saraakiil ka tirsan ciidanka Kumandoska Somalia ee Danab ayaa howlgal qorsheysan ku dilay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab.
Howlgalka ayaa lagu dilay C/qaadir Yuusuf Abuu Xamsa oo Al-shabaab u qaabilsanaa tababarada iyo Maaliyada.
Wararka ayaa sheegaya in howlgalkan uu ka dhacay degaanka xeebta ee Jilib-Marka oo hoosyimaado magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha hoose
Ciidanka Kumaandoska Danab ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in howlgalka lagu soo qabtay xubno kale oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo ay sheegeen in sharciga la marin doono.