Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay qalinjebinta dufcaddii koowaad ee Layli sarkaal oo la tababaray, taasoo maanta lagu qabtay dugsiga Cabdilaahi Askar ee Dararweyne.
Munaasabadda oo ahayd mid si weyn loo abaabulay, isla markaana uu madaxweynuhu derejooyin cusub ku taxay dhallinyarada maanta qalinjebisay, ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Baashe Maxamed Faarax, Duuliye Sare Axmed Maxamed Xasan (Axmed dheere) xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha kala duwan ee ciidamada.
Taliyaha kulliyadda tababarka saraakiisha Cabdilaahi Askar gaashaanle sare Maxamuud Maxamed Sardheere iyo madax hoggaanka tababarka ciidanka qaranka sarreeyo guuto Axmed Cali Maxamed Tansaani oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay la soo mareen tababarka saraakiisha cusub ee maanta qalinjebisay, waxana ay caddeeyeen inay yihiin dhallinyaro dhinac walba ka dhisan, islamarkaana lagu aamini karo inay kasoo baxaan hawl kasta oo qaranku uga baahdo.
Taliyayaasha ciidamada militeriga, Booliska, Asluubta iyo badda oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa bogaadiyey saraakiisha cusub ee dalka gudihiisa ku tababaratay, waxana ay shaaciyeen in dufcaddani caddayn u tahay inuu qaranku isku fillaansho ka gaadhay dhinaca soo saaridda saraakiisha, iyaga oo saraakiisha aflaxdayna kula dardaarmay inay dhexda u xidhaan sidii ay qarankooda ugu shaqayn lahaayeen, ugana faa’iidayn lahaayeen aqoontii iyo tacabkii la geliyey, amniga qarankooda iyo ilaalinta nafta iyo maalka bulshadana il gaar ah ku eegaan.
Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), ayaa isaguna dhankiisa hambalyeeyey dhallinyarada saraakiisha ah ee dalka gudihiisa wax ku baratay.
Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo tababarka u soo xiray saraakiisha da’da yar ee dalka wax ku baratay, ayaa ugu horrayn hambalyo iyo bogaadin u diray saraakiisha waxbarashada dhammaysatay, waxana uu ku bogaadiyey samirkii iyo dhabar-adaygii ay halkan kusoo gaadheen, isagoo ku boorriyey inay isu diyaariyaan inay xilka iyo waajibaadka fuulay gutaan oo ay
“Idinka iyo kuwa idinka horreeya ee tobanka sano wax soo baranayey, ayaa ciidanka, qaranka, badda, Boolis, Asluub iyo Imigrayshin dhammaantood cidda xilkeedu fuulayaa waa idinka, waxan idinka rajaynayaa inaad xilkaas isu diyaarisaan oo qaranka halkii lasoo gaadhsiiyey ka qaaddaan oo aad waajibkiina si fiican u gudataan, dalka iyo dadkuna idin mahadiyo.” ayuu yiri Muuse Biixi.