Tirada dadka ku dhintay dhul gariir xoogan oo Jimcihi shalay ka dhacay magaalada Izmir ee dalka Turkiga ayaa gaartay ugu yaraan 26 qof, halka dhanka dalka Greece uu isna dhul-gariirku ku dilay laba qof.
Kooxaha badbaadada ayaa dadaal xoog leh ugu jira sidii ay burburka hoostiisa uga soo saari lahaayeen dad la la’yahay oo ay u badan tahay in ay ku hoos jiraan burburka guryaha dumay.
Illaa iyo hadda waxaa la soo badbaadiyay hooyo iyo saddex carruur ah oo ay dhashay, kuwaasoo muddo ku dhaw 18 saacadood ah ku hoos jiray burburka dhismayaal ku dumay magaalada Izmir oo ahayd meesha uu sida aadka ah ugu dhuftay dhul-gariirku.
Shaqaalaha gurmadka waxa ay sheegeen in ay hadda dhameystireen baaritaanka 8 guri oo uu dhul-gariirku dumiyay, halka ay u hareen 9 kale oo burbursan.
In ka badan 800 oo qof ayaa ku dhaawacmay dhul-gariirkii shalay ka dhacay magaalada saddexaad ee ugu weyn Turkiga ee Izmir, waxaana weli jira boqolaal qof oo ku hoos jira burburka kuwaasoo aan la ogeyn nolol iyo geeri waxa ay ku sugan yihiin, waxaana saacadba saacada ka dambeysa sii yaraaneysa rajada laga qabo in la helo dad weli nool.
Dhul-gariirka ayaa burburiyay ugu yaraan 20 dhisme oo ku yaal magaalada Izmir, taasoo argagax ku abuurtay magaalada isla markaana kicisay mowjado hirar ah oo ku soo dhacay deegaannada xeebta iyo jasiiradaha.