FIFA oo si rasmi ah u aqoonsatay garoonka Muqdisho Stadium

62

Xiriirka kubada cagta Adduunka ee FIFA ayaa si rasmi ah ugu aqoonsaday garoonka Mogadishu Stadium inuu yahay garoon caalami ah oo tartamada waaweyn lagu qaban karo.

FIFA ayaa bixisay shahaado rasmi ah oo cadeyneysa in garoonku uu dhinac walba ka dhamaystiran yahay laguna ciyaari karo tartamo heer caalami ah.

Aqoonsiga FIFA ee garoonka Mogadishu Stadiumayaa imanaya kadib markii bilo yar kadib dib u dhis cusub lagu sameeyay loona dhisay qaab heer sare ah.

Laga bilaabo aqoonsigan kadib waxaa xulka qaranka kubbada cagta ee Soomaaliya uu ku ciyaari karaa garoonkan iyadoo markii hore xulku uu tartamada gurigiisa ku ciyaari jirey dalka Jabuuti.

Inkastoo FIFA garoonka qaab dhismeedkeeda aqoonsatay ayaa hase ahaatee waxaa ku gadooman garoonka cabsi dhinaca ammaanka ah.