SAcuudi Carabiyaa ayaa ku guuldareysatay in ay xubin ka noqoto Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey. Waxaa Guddigas xubin ka noqnaya illaa 47 dal.
Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ka kooban ilaa shan kooxood oo kala matalaya dalal dhowr oo ku kala yaalla, Afrika 13 dal, Asia iyo Pacific 13 dal, Bariga Yurub 6 waddan, Laatin Amerika iyo Caribbean 8 waddan iyo Galbeedka Yurub 7 dal.
Gobolka kaliya ah ee sannadanka u tartamay kursiga xubinnimada wuxuu ahaa Asia Pacific halkaas oo Shiinaha iyo Sacuudiga ay tartan kula jireen Pakistaan, Uzbekistaan iyo Nepal.
Sacuuudiga ayaa ku guuldareystay in uu ku guuleysto codadkii uu u baahnaa.
Sacuudiga wuxuu helay 90 cod halka Nepal ay heshay 150 cod, sidaas ayay Nepal ugu guuleysatya kursigii haray ee Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ee matali doono dalalka Asia-Pacific.
Dhalleeceynta Sacuudiga
“Golaha xuquuqul insaanka wuxuu dhalleeceyn u jeediyaa Boqortooyada Sacuudi Carabiyaa gaar ahaan hoggaanka Maxamed Bin Salmaan. Waa dalka keliya ah ee aan loo codeyn oo ay diideen inta badan xubnaha ka tirsan Qaramada Midoobey,” waxaa hadalkaas barta Twitter-ka ku soo qoray ku xigeenka fullinta ee ha’yadda xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch, Bruno Stagno.
Wuxuu ku sababeeyay arrintaas in xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka iyo dambiyada dagaal uu geystay Sacuudiga.
The #HRC elections today delivered a stunning rebuke to #SaudiArabia under Mohammed bin Salman: only country not elected, shunned by a majority of the UN. The kingdom reaped what it deserves for its serious violations of human rights and war crimes abroad. https://t.co/MArgoHfAFa pic.twitter.com/VN8jaEcRLR
— Bruno Stagno (@BrunoStagno) October 13, 2020
https://platform.twitter.com/widgets.js
Ha’yadda Human Rights Watch ayaa ku baaqday in aanan loo codeyn Sacuudi Carabiya iyo Shiinaha ka dib xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqul insaanka ee laga geysta dalalkaas.
Luis Charbonneau oo ah agaasimaha ha’yadda Human Rights Watch, wuxuu bartiisa Twitter-ka ku qoray: “War farxad leh… dalka Sacuudi wuxuu ku guuldareystay inuu helo kursiga, halka Shiinaha uu ku guuleysatay codadka ugu yar – warka naxddinta ah wuxuu yahay in Cuba, Shiinaha iyo Ruushka ay guuleysteen balse golaha weli wuxuu qaban karaan shaqo wanaagsan”.
Wuxuu intaas ku daray: “Shiinaha iyo Sacuudiga kaliya ah ma aysan geysan xaadgudub ka dhan ah xuquuqul insaanka, balse waxay falalkaas ku baahiyeen xudduudahooda meelo ka baxsan”.
https://twitter.com/hashtag/Cuba?src=hashtag_click
Guuldarrada soo wajahday Sacuudiga ayaa imaaneysa xilli uu jiray cadaadis caalami ah oo ay wadaan ururrada xuquuqul insaanka oo looga digayo in sharafta golaha xuquuqul insaanka ay hoos u dhaceyso haddii Sacuudiga, Ruushka iyo Shiinaha loo doorto inay xubin ka noqdaan golahaas – ayna dalalkaas ay ka dhacaan falal ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
‘Malaayiin doolar uma aanay shaqeyn’
Sarah Leah Whitson, oo ah agaasimaha fullinta ha’yadda u doodo dimuqraadiyadda dalalka Carabta ayaa sheegtay: “Waxay natiijadan muujineysaa heerka ay gaarsiisan tahay dhibaatada uu geystay dhaxal sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, taas oo horseeday in caalamka uu mowqif mideysan ka qaato ka dib markii ay boqortooyada Sacuudiga ku guuldareysatay kursiga golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobey halka Shiinaha iyo Ruushka ay u suurogashay in ay guuleystaan”.
“Boqortooyada waxay malaayin doolar ku bixineysaa sidii ay u dabooli laheyd falalka gurucan ee ka dhaca dalkaas. Beesha caalamka wax taageero ah ma siineyso arrintaas”.
Waxay intaas ku dartay: “Tan iyo inta Sacuudiga uu ka dhaqan gelinayo isbeddal wax ku ool ah, uuna sii deynayo maxaabiita, iyo inta uu ka joojinayo dagaalka Yemen uuna ogolaanayo muwaadiniintiisa in ay ka qeybgalaan siyaasadda, kama bixi doono go’doominta”.