Dedaal badan ayaa lagu bixinayaa dhameynta xasarad maalmihii dambe ka jirtay qeybo ka mid ah Galmudug.
Khilaaf soo kala dhex galay Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo General Mascuud Maxamed Warsame ayaa meel culus gaaray.
Dawlada dhexe ayaa uyeertay Madaxweyne Qoor qoor islamarkaana la sheegay in isaga uu taageeray qorshaha Wasiir fiqi balse qaab beeleed isku badeshay.
Dhinaca kale Madaxweyne Qoor qoor ayaa doonaya galaan gal inuu ku yeesho Wasiirada Cusub ee lasoo magacaabayo.
Xukuumada lasoo dhisayo ayaa Galmudug ay rabtaa in jagooyin muhiim ah laga siiyo siyaasiyiinta deegaan ahaan iyaga kasoo jeeda.
Warar ayaa sheegaya in durba kulamo ka bilowdeen islamarkaana la sheegay in dhowr waxyaabood looga hadlayo haba ugu muhiimsanaatee Xukuumada lasoo dhisayo.