Guuleed Cabdi oo ah Soomaali deegaankiisu yahay magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer ayaa lagu casuumay mid ka mid ah bandhigyada ugu waaweyn dalka Turkiga.
Wiilkaan yar ee hal abuuraha ah ayaa qabsaday baraha bulshada kadib markii uu sameeyay diyaarad iyo gawaari macmal ah, waxeyna taasi keentay inuu casuumaad ka helo wasaaradda arrimaha dibadda dalka Turkiga.
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda dalkaas Mevlut Cavusoglu ayaa baraha bulshada ka arkay waxqabadka wiilka yar, waxeyna u ballan qaadeen waxbarasho iyo in laga garab siiyo rumeynta riyadiisa.
Waa 17-jir wuxuu ka qeyb galay bandhigga Teknofest loo yaqaano ee ah kan ugu weyn dhanka teknolojiyadda.
Waxaa la sheegay inuu booqan doono xarunta shirkadda diyaaradaha dalka Turkiga, bandhigaan oo ka socday gobolka Gaziantep ayaa lasoo afjaray.
“Waxaan doonayaa inaan aas-aaso shirkad diyaaradeed oo mustaqbalka sameysa diyaarado” ayuu yiri Guuleed.