Wariye : Halloow, Haloow, Saaxiiboow Adigaa Dalka joogo, 24 Saac ayaan fikirayay, Saacadiiba Hal su’aal ayaa igu soo dheceeysay. iiga jawaab, 24 su’aal?.
Saaxiib: Su’aalaha aad soo waddo waan ogahay, Adiga oo aan i weeydiin ayaan kaaga jawaabi karaa, iyaga oo Sawir iyo Qoraal ah ee Adigu ma taqaan sida Qoraalda iyo Sawirada la isagu Fasiro.( isku Fiiri Numbarka ku horyaal Qoraalka iyo Tiradda Sawirka ku beegan ).
Su’aalihii aad damacsaneed in aad i weeydiiso iyo Jawaabahoodii.
1. Baarlamaankii ka waran ?. Liifadaa loo gaabiyay.
2. Ardaydii Dalka wax ku baratay ka waran? sidii ey Shaqo u raadinayeen ayaa Kabahii ka dhamaadeen.
3. Wasaaradii wax Barashada iyo Ardaydii Dugsiyada Sare ka waran?. Wasaaradu Aqoon iftiimee ayeey diyaarisay.
4. Shacabkii ka waran?. waa karkarayaan, si fiican ayaa loo shiday, ceyriin ha ka sugin, wax bisil ayaa ka diyaara.
5. Cashuurtii Dalka ka waran? Khasnadaan ayeey ku jirtaa, Shaqaaluhuna Gacanta eyeey gashan karaan si ey Mushaarkooda ugala soo baxaan.
6. Mucaaradkii ka waran?.Siriqaa u taal.
7.Qurba jooga ka waran? waa uunsanayaan.
8.Hashii Maandeeq ka waran? Maqaarkaa ka nool.
9.Haweenkii ka waran? Carar ayeey ku cilaansadaan.
10.wax soo Saarka Gudaha ka waran?.Cirba xanuun ayaa jiro.
11. Saaxiibada Somalida ka waran? waa isla kuwii hore.
12. Hanti dhoowrkii ka waran? Cidiyahaa laga siibay.
13.Siyaasiyiinta ka waran? Shabaqa Xalane ka hoos fiiri.
14.Dastuurkii ka waran? Dib u dhageeysi iyo Dib u eegid ayaa lagu celiyay.
15. Wasaaradii Xanaanada Xoolaha ka waran?. Geellii ayaaba Magaalada u soo shaqa tagay.
16. Ururkii Midawga Haweenka Somaliyeed ka waran?. Filim Casriyaa ayaa loo shiday.
17. Gobalada ka waran?. Idaacadda ka dhageeyso.
18. Fankii Iyo Suugaantii Somalida ka waran?. Saabuuneey cuntay.
19.Qalabeeyntii Ciidanka Cirka somalida ka waran?.wax Cirka loo tuuro waa heeystaan.
20. Qalabeeyntii Ciidanka Booliska ka waran?. Hub Casriya ayaa loo keenay.
21.Khubaradii hore ee Maamulka Dowlada ka waran? waa la ciyaarsiinayaa.
22.Aqoon yahankii ka waran?. Badarkii, Budaa laga dhigay, waana la Abuur tiray.
23. intii Bidaarta iyo Busaaradda leheyd ka waran? Shanleey soo gateen.
24. Siyaasadda iyo Doorashada ka waran? yaah, yaah. Laba Numbar kor u bax.
Wariye, ma qanacday, mise Xaqiiqda Xaraaraa ku xanuunjisay, Xaaladuhu waa caadigoodii.
FG: Numbarka hore iyo Sawirku halka uu yaal isku eeg. wixii aad fahmi weeydo, Walaalkaa/ Walaashaa weeydii.
Qore: Yahya Amir