Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa sheegay in wadooyin badan oo ku yaalla Muqdisho oo Maamulka Gobolka Banaadir dhismahooda uu ku bixiyay mallaayiin Dollar la burburiyay.
Waxaa uu sheegay in Ganacsatada waratada ah ee ku nool Muqdisho wadooyin badan oo la dhisay ay ganacsiyo yaryar ka sameysteen, isla markaana qarkood ay laamiga surteen dalado burburiyay wadooyinka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Maamulka gobolka Banaadir uu diyaar u yahay dhismaha wadooyinka muhiimka ah ee ku yaalla Muqdisho, hayeeshee Bulshada aysan fahansaneyn Sahqooyinka loo haayo.
Wadooyin faravbadna oo ku yaalla gobolka Banaadir ayaa la dhisay, waxaana qaarkood ay noqdeen kuwo dib u burburay oo xilliyada roobka ay biyo farabadan fadhiistaan.
Dhanka kale waxaa si aad ah loola yaabay hadalka Gudoomiyaha ee ah eeda Ganacsatada Waratada ah, kuwaasi oo uu ku eedeeyay In Dalado ku bur buriyeen wadooyinka la dhiay, wuxuuna soo hadal qaadi wayay Shirkadaha Isgaarsiinta iyo kuwa Korontada oo mar kasta Bur Burin ku haya wadooyinka.