Maktabka Siyaasadda iyo xiriirka gobolada ee Al-Shabaab ayaa isbadal dhinaca maamulka ah ku sameeyay gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana xilka laga qaaday Gudoomiyihii gobolkaasi Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise ‘Kabakudukade’, iyadoona lagu bedelay Sheekh Cabaas Abu Maxamed, siday ay qortay warbaahinta taageerta Al-Shabaab.
Kulan ka dhacay Gobolka Shabellaha dhexe deegaano ka tirsan ayaa lagu go’aamiyay xil ka qaadistaan lagu sameeyay Sheekh Kabakudukade, waxaana xilkaasi lagu wareejiyay abuu Cabaas.
Kabakudukade ayaa ka mid ahaa guddoomiyaasha ugu waqtiga dheer ee dhinaca gobollada wakiil uga ahaa Al-Shabaab.
Lama oga sababta xilligaan keentay in xilka laga qaado Sarkaalkaan oo muddo wakiil uga ahaa Shabaab Gobolka Shabellaha dhexe.
Al Shabaab ayaa inta badan Gobolada dalka waxa ay ku leeyihiin Wakiilo qaarkood aanan tagi karin goobaha ay ku magacaaban yihiin, balse Maamul ahaan un isaga magacaaban.