Deni iyo Madoobe, waxay u heystaan in dad maslaxadooda ay iyaga oo keliya og yihiin. Oo innagu ma xoolaan nahay? Sow in naloo soo bandhigo ma aha? ama nala weydiiyo waxa aan rabno?
Ma dooneyno in shaqsiyaad danahooda eeganaaya ay la gorgortamaan dowladda Federaalka. Farmaajo dantiisa ayaa ku jirta inuu la gorgortamo ileyn inuu soo noqdo ayuu rabaaye, Nimankaan ordayana waxay raadinayaan wixii ay ku badalan lahaayeen. Shacabka maxaa u dan ah?
Anigu ma qabo in Deni iyo Madoobe ay iga caqli badan yihiin oo ay ii goyn karaan masiirkeyga mustaqbalka. Hadii beesha caalamka ay qasabtay oo hungurigoodu uu geeyay Muqdisho, Aniga danteyda ma aha ineey kursiga ka macaashaan sidii Gaas iyo Faroole.
Maxay rabaan ineey ka badalaan heshiiskii Dhuusamareeb 3? Lama shaacinin oo waxay doonayaan in ay si qarsoon ugu gorgortamaan. Lagamana yeeli karo. Sabarkii wuu ka dhamaaday reer Buntland iyo Jubbaland. Nin walba oo kursigaas fariistaba jeebkiisa ayuu ka shaqeeyaa.
Waan qabaa in aan Farmaajo loogu darin hal daqiiqo kursigaas, hadana ma rabo in madaxeyga dushiisa laga ciyaaro.
Banaanbax intenetka ah waa inaan sameynaa! Faafi ama qoraal aad adiga leedahay soo dhig. Isticmaal hal sawir oo Deni iyo Madoobe ah. Jaraaidka aduunka iyo beesha caalamka ay sheegayaan ha arkaan awoodda shacabka!
Yassin Abdullahi Abdi