David Shin ayaa sheegay subaxnimadii maanta in ay jiraan dood hoose oo Israel ay ku doonayso in ay heshiis la gasho Somaliland, sidoo kale waxa bishan heshiis wada galay (United Arab Emirates ) iyo Israel. Seth J.Frantzman oo ah Israeli- American ahna tifatiraha Jerusalem Post,ayaa isagana weydiiyey dadka degan Somaliland :
” Wether Somaliland would initiate a move towards Israel”.Oo ah “Hadii Somaliland ay u dhaqaaqi karto dhinaca Israel”.Xaqiiqda su’aasha ayaa ah dhinaca kale oo ah, hadii Somaliland ay doonayso in ay soo ceshato aqoonsigii Israel ay siisay Somaliland.
Somaliland waxa ay doonaysay in ay hesho madaxbanaani mudo ah 30 sanadood ayaa uu isna ku yidhi warbixinta Nickolay Mladenov oo u dhashay wadanka Bulgaria.
Warbixinta Seth J. Frantzman kala soco iyada oo dhamaytiran subaxnimada Jimcaha 16:00 August 28,2020 wakhtiga Washington DC.
Dr.Ahmed J.Yassin oo kulan kula qaatay David Shin magaalada Washington ayaa ah nin u dhashay Somaliland,kana ah dhalhtar baadha dadka xanuunsanaya ( Clinical Laboratory Professional ),isaga oo ku nool magaalada Jacksonville,ee gobolka Florida.
Update: Kulanka Dr. Ahmed J.Yassin iyo David Shin ayaa waxa uu abuuray hadalo ay niman waaweyn oo degan Europe kana soo jeeda Somaliland ay ku andacoonayaan in ay tahay dambinin lala halo heshiis Israel.Waa ay ubmadaxbanaanyihiin fikradooda,laakiin ma hayaan wax ( Hadith ) ah oo sheegaya inaan xidhiidh dhexmari karin Israel iyo wadan Muslim ah.
Isla doodaas,ayaan ku soo dari doonaa dhamaadka warbixinta Seth J.Frantzman.
#Xigasho Ahmed Aadan