Ciidamo gaar ah oo ilaalo u ah Madaxweynaha Puntland oo kaga soo hormaray safarka uu ugu soo jeedo magaalada Muqdisho ayaa la dejiyay qeyb ka mid ah madaxtooyada (Villa Somalia), halkaas oo uu degayo madaxweynaha Puntland.
Ciidanka oo kor u dhaafaya boqol askari ayaa durba la dareemay saameynta ay leeyahay, waxaana laga cabsi qabaa inuu isku dhac dhexmaro ciidanka ilaalada madaxtooyada, kuwaas oo qaabilsan ammaanka guud ahaan xeydaabka Villa Somalia.
Ciidanka DENI ayaa la wareegay hareeraha ku dhow goobta uu degayo madaxweynaha Puntland oo berito ku soo wajahan Muqdisho, waxayna dadka iyo gaadiidka u diidayaan iney halkaas oo isticmaalaan.
Sidoo kale, ciidankan ayaa diiday iney halkaas ka soo agdhawaadaan ciidan aan ahayn kuwa Puntland ee u xilsaaran ilaalinta amniga madaxweyne Siciid C/llaahi Deni, kaas oo saacadaha soo socda soo gaaraya Muqdisho.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa magaalada Muqdisho kaga qeyb galaya shir wadayashi ah oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka 2020/21, kaas oo ka dhacaya xarunta XALANE ee Muqdisho.
Beesha caalamka ayaa garwadeyn ka ah shirkan u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Siciid C/llaahi Deni iyo Axmed Madoobe, waxaana laga filayaa iney ka soo saaraan go’aano jiheyn kara doorashada dalka.