Ciidamada Booliska Jubbaland ayaa waxaa ay soo qabqabteen dad kabadan toban ruux oo lagu eedeeyay inay ka ganacsanayeen waxyaabaha maanka dooriya.
Howlgal ay ka sameeyeen ciidamada Booliska magaalada Kismaayo Xaafada Calanleey ayay ku soo qabteen waxyaabaha maanka dooriya sida Xashiishka, khamri farabadan & dad ka ganacsanayay.
Taliyaha Booliska Magaalada Kismaayo Warsame Axmed Geelle ayaa sheegay in howlgalka uuu ka dambeeyey, kadib cabasho ay u soo gudbiyeen dadka ku nool Xaafada Calanleey ee magaalada Kismaayo ayna ku soo qabteen 20 Ruux.
“Waxyaabaha maanka dooriya waxa ay qeyb ka yihiin amni darrada,dadka aan ku soo qabanayna waxaan horgeyn doonaa cadaallada.”ayuu yiri taliyaha ciidamada booliska Kismaayo.
Ka ganacsiga iyo isticmaala Khamriga ayaa ku soo badanaya deegaano ka mid ah dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolada ku dhow xadka Soomaaliya ee dalalka Itoobiya iyo Kenya