Wakiilkii ugu horeeyey ee Maamulka Somaliland u joogi doona Jesiiradda Taiwan ayaa sheegay inay bilowga bisha soo socota ee September Xafiis ka furan doonaan Jesiiradaasi.
Ergayga Somaliland u joogi doona Taiwan, Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud oo la hadlay Warbaahinta Channel News Asia (CNA) ayaa sheegay inuu Xafiiskiisa si rasmi ahaan u shaqo bilaabi doono bisha soo socota ee September 9-da, isla markaana ka hawlgeli doonaan 5 Shaqaale Somalilander ah iyo 2 u dhalatay Taiwan.
Ergayga oo bishan Agost 7-dii tegay Taiwan, isla markaana muddo 14-maalmood la Karantiilay waxa uu tilmaamay in Xiriirka labada dhinac uu noqon doono Heer Caadi oo Heshiisyo leh oo ay wada saxiixi doonaan Labada Wasiir Arrimo Dibadeed ee Somaliland iyo Taiwan.
Waxa uu Wareysigiisa ku sheegay in qoddobka weyn ee laxawga ku haya tahay inaysan Somaliland iyo Taiwan midna weli xubno ka ahayn QM. Somaliland iyo Taiwan oo sheegtay inay ka go’een Somalia iyo Shiinaha ayaan weli helin Ictiraaf Caalami ah helin, balse, Ergayga Somaliland u jooga Taiwan ayaa rumeysan inuu Xiriirkooda horseedi doono Aqoonsi Caalami ah. Dhinaca kale,
Wareysiga uu Ergayga Somaliland u joogi doona Taiwan, Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud siiyey Warbaahinta Channel News Asia (CNA) waxa uu sheegay in Xiriirka Somaliland iyo Taiwan uusan khatar ku ahayn dalalka kale, isagoo sheegay inuu Xiriirkooda ku salaysan yahay Nabad buuxda oo ay labada dhinac ka wada faa’ideysan doonaan.
Si kastaba ha ahaatee, Taiwan waxay bishan Agost 17-dii magaalladda Hargeysa ka furteen Xafiiska Ergayga u joogi doona Somaliland.