Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dowldda Soomaaliya sanado xabsi guri ugu jira ayaa hajnabaad culus u diray Mareykanku, kadib dilkii C/qaadir Cusmaan Yarow (Kumandoos) oo diyaaradaha Mareykanka duqeyn ku dilen degmada Saakow ee Koonfurta Soomaaliya.
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ay macariifo ahaayeen C/qaadir Kumandoos, kana mid ahaa ururkii Xisbul Islaam ayaa sheegay inaysan wax marmarsiiyo ah lahayn dilka uu Mareykanku la begsaday C/qaadir Kumaandoos oo xanuunsanaa,bukaan socod ahaa, kuna sugnaa gurigiisa, wax dagaal ahna aan kula jirin Mareykanka.
Haddii aadan kasoo garbixin godobtaas waxaan bixin doonaa jawaab adag, waxaana reebi doonaa raad qarniyo badan aad xusuusataan. Anigoo idiin xiran oo xabsi kujira ayaan idiin hanjabayaa..wuxuu noqon doona arrin qarniyo socda.. haddii aadan jawaab sax ah ka bixin idinkaa eedi doona.. inaad eedaan ayaan idinn tusin doonnaa&waa idin dilaa ma lihi laakiin wax taariikh reebi doona ayey noqoneysaa&ayuu si cad u yiri Sheekh Xasan Daahir oo muuqaal uu soo duubay lagu baahiyey baraha bulshada.
Sheekh Xasan Daahir oo ka faaleynaya ninka uu ahaa C/qaadir Kumaandoos ayaa yiri: &Kumandoos wuxuu ahaa wiil Soomaaliyeed. Soomaali ayuu ka dhashay, Soomaali ayaa soo korsatay, Soomaali ayaa soo waxbartay, Soomaali ayuuna wax u taray, sida magaciisa ka muuqata wuxuu ka tirsanaa ciidamada Qalabka sida sidaas darteed dilkiisa waa godob Soomaali oo idil laga galay”.
C/qaadir Cusmaan Yarow (C/Qaadir Kumandoos) wuxuu kamid ahaa saraakiishii Milateriga ee Xoogga dalka Soomaaliya, kadibna wuxuu ka mid noqay ururkii Al-itixaad, wuxuu qeyb ka ahaa dagaalkii ciidamada Itoobiya lagula galay Muqdisho (2007 – 2009), wuxuu xoghayaha difaaca ka ahaa ururkii Xizbul Islaam ee uu hogaaminayay Sheekh Xasan Daahir Aweys, markii danbena wuxuu ku biiray Ashabaab isagoo oday iyo hoggaamiye.