Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo xubno safarkiisa ku weheliyay.
Labada Masuul ayaa ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee siyaasada Somalia iyo arrimaha doorashooyinka dalka oo mudooyinkan khilaaf xooggan uu ka taagnaa sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow kulankaas.
Deni iyo Shakuur ayaa ka mideysan iney mucaarad ku yihiin madaxda talada heysa ee dowlada Soomaaliya oo haatan muddo xileedkoodu gebagebada yahay
C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa maalmahan booqasho ku joogay magaalada Garowe, isagoo xalay khudbad ku saabsan siyaasada iyo xaalada Somalia ka jeediyey Machadka Cilmi baarista Puntland (PDRC).