Madfaca ka ganbo, Hoobiyaha iska jir, daaraha Shubka ah ha la hoos galo, Wiiftada iska ilaali, aagga iska hubi iyo ereyo kale ayaa inta badan la maqli jirey xilliyaddii Dagaalada, dhib isugu jirey dil, dhaawac, barakac, bililiqo, kufsi, jir-dil iyo handadaad ayaa waqtiyadaas quud {cunto} looga dhigay dadkii ku noolaa Xamar cadde!!!
Seddex waqti oo xannuun badan ayaa bulshada reer Muqdisho soo maray, intii u dhaxaysay Desember 1990- 26 Jan 1991, waxaa ummadda G/Banaadir ku dul-habsadey dagaalkii lagu ridayay Dawladdii Maxamed Siyaad Barre!!!
Masiibadii labaad shacbiga Muqdisho waxay ka dul-qaraxday 17 Nov 1991-3-dii Maarso 1992, dirirtaas oo loo yaqiinay dagaalkii Afar biloodka, halka mushkiladii seddexaadna ay ka dhacday 2009-2011-kii.
Dagaaladaas oo aan maskaxdayda ka go’ayn ayaa mid ka mid ah waxa aan ku xasuustaa sheeko la yaab leh iyo Oraahda aan qoraalkaan cinwaanka uga dhigay ee ah “Qandaf-Qandaf lama Rabee ka Gambo Xabaddaha”
Xilligu waa galab casri ah, kooxaha ku dagaalamayo Muqdisho waxaa dhaqan u ahaa in galab kasta Magaalada loo qeybiyo Dhawr madac, tuurista madaafiicdaas kadib waxaa sunno aheyd in la raaciyo Xabaddo la soo raacinayo waddooyinka la isku hor fadhiyo!
Abaarihii waa ku dhawaad shantii galabnimo, Aniga iyo dhawr qof waxa aan isku soo gaarnay meel is-goys ah, jidka madaxa ayaa la galin la’yahay rasaasta wadada ku socoto awgeed, dhawaqa hoobiye ayaa mararka qaarkood dhagaheena ku soo dhacayo, cabsi ayuu qof walba dareemayaa, quraan ayuu ruux kasta akhrinayaa!!!
Dhawr daqiiqo markii aan halkaas ku go’doonsaneyn ayaa nin dhallinyaro ah oo ka mid ahaa dadkii aan ka wada gambanaynay xabadaha waxaa uu isku dayay inuu wadada Orod ku gooyo, laakiin intii uu dhinacyada iska fiir-fiirinayay ayaa mar qura waxa is qabsaday xabaddo, jidkiina waxa uu noqday dhimbilo gaduudan oo Dab ah!!!.
Nin odey ah oo ka mid ahaa kooxdeenii gambashada ku jirtay ayaa inta uu eegay wiilkii isbiimeyn rabay waxa uu ku yiri “Qandaf-Qandaf lama Rabee aryaa ka Gamabo Xabadaha”.
Hadalkaas ayaa nasteexo u noqday xariifkii qar iska xoornada ku jirtay ee doonayay inuu jidka orod ku gooyo, cabaar markii aan halkaas ku sugneyn ayaa Alle mahadii waxaa si iskood ah isaga istaagay xabadihii wadada lagu soo dhigayay, tartiib ayaa ruux walba uu wadada u gooyay, si uu aado halkii uu u socday!!!.
Rafaad iyo il-xumo waa la soo arkay, caloosha ayaa i huraysa marka aan soo xasuusto waayihii madoobaa ee Muqdisho, nasiib-darro dad badan oo waxgal ahaa iyo adduunyo badan oo waxtar laheyd ayaa dagaaladaas lagu waayay!!!
Alle Colaad Dambe naguma soo Celiyo!
WQ: C/Laahi Shiiqaalow