Afhayeenka Xisbiga WADDANI Barkhad Jaamac Batuun, ayaa waxa saaka looga yeedhay xarunta dambi-baadhista Hargeysa, halkaasoo uu sheegay in su’aallo laga xidhiidha dhaleecaymaha uu xukuumadda u jeediyo lagu waydiiyey.
Afhayeenka, ayaa sheegay in su’aallaha la waydiiyey ay ku jirtay arrin uu shalay ka dhawaajiyey oo ah in uu madaxweynuhu si xan ku soo gaadhay u nasab cay isaga, taasoo uu sheegay in caynteedii uu u gudbiyey xafiiska dambi-baadhista, kaddib markii la waydiiyey.
Barkhad Jaamac Batuun, ayaa sidoo kale yeedhmada xafiiska dambi-baadhista ku tilmaamay cago-juglayn iyo cabsi gelin.
Afhayeenka, ayaa sheegay in su’aallaha la waydiiyey ay ku jirtay arrin uu shalay ka dhawaajiyey oo ah in uu madaxweynuhu si xan ku soo gaadhay u nasab cay isaga, taasoo uu sheegay in caynteedii uu u gudbiyey xafiiska dambi-baadhista, kaddib markii la waydiiyey.
Siyaasigan ayaa maalmihii u dambeeyey waajahayey falcelin kaga soo noqotay hadal uu todobaadkii hore ka jeediyey munaasibad lagu qabtay magaalada Hargeysa, kaasoo uu ku sheegay in uu takoor kula kacay wakhtigii Ardayga ahaa mid kamida macalintiisii Jaamacada Hargeysa, taasoo dad badani ku tilmaameen hadal deelqaaf iyo ceebayn ah oo uu kula kacay Jaamacadii uu ka aflaxay, macalinkana uu ka been abuuray.