Kismaayo:-Wararka aan ka helayno duleedka magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada Jubbaland ay miinooyin badan ka soo saareen wadooyinka soo gala Magaaladaasi.
Howlgalka miino saarista ayay ciidamadu waxay ka sameeyeen inta u dhexeysa deegaanka Baar sanguuni iyo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Saraakiisha Ciidanka Jubbaland oo hoggaaminayay howlgalka, ayaa sheegay in Ciidanka Amniga ay ku guleeysteen iney fashiliyaan Miinada oo sida ay tilmaameen lala damacsanaa in Shacabka isticmaala Wadada xiriirisa Kismaayo iyo deegaanka Baar sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose.
Dhanka inta badan duleedka magaalada kismaayo ayaa waxa ka dhaca qaraxyo miinooyinka dhulka lagu aaso, kuwaasi oo lala eegto ciidamada maamulka Jubbaland, xilliyada ay maryaan wadooyinka iyo sidoo kale gaadiidka shacabka ee ku safra wadooyinka deegaanada ka tirsan Jubbaland.