Madaxweyne-yaasha Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) & Siciid Cabdullaahi Deni oo laga sugayo in ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho ayaa shalay dib uga dhacay safarkooda.
Sababta dib u dhacooda waxa ay ilo xog ogaal ah oo la hadlay Badweyntims ku sheegeen in arrimo farsamo oo aysan sii faah-faahin, waxaana ay meesha ka saareen in guud ahaan ay baaqdeen socdaalkooda Muqdisho.
Magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo oo xarun rasmi iyo mid KMG ah u kala ah Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa ka socda qaban-qaabo loogu diyaargaroobayo in lagu soo amba-bixiyo wafuudda labada hoggaamiye.
Labada hoggaamiye Gobolleed waxa ay Muqdisho kusoo wajahan yihiin Saacadaha soo socda, si gaar ah Axmed Madoobe waxaa la xaqiijiyay in Berri oo Talaado ah, waxaana Muqdisho ku sugan Wufuud labadii cishe lasoo dhaafay soo gaartay Caasimadda.
Ujeedka Shirka ay imaanayaan Magaalada Muqdisho ayaa ah in qayb ka noqdaan dadaalada lagu gaarayo doorashada dalka 2020/21 oo aysan ka qaybgalin Shirkii lagu go’aamiyay nuuca doorasho, halka ay diideen taageerista qodobadii ay ku heshiiyeen Madaxweynaha DFS, Madaxda Galmudug, Hir-Shabeelle, KGS iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Beesha Caalamka ayay la ballansan yihiin, maadaama cadaadiska ugu badan Deni iyo Madoobe ay saartay si aysan uga harin hiigsiga Doorashada iyo howlaha Geedi socodka Siyaasadeed ee lagu gaarayo.
Xubnaha ku sugan Magaalada Muqdisho ee sida hordhaca ay usoo gaaray waxaa kamid ah Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo todobaadkii hore Axmed Madoobe ku wehliyay safarkii uu ku tagay Garoowe.
Xiddig oo ah Shaqsi Axmed Madoobe ay ku murmeen Doorashadii Agoosto 2019-kii, ayaa dhawaan la heshiiyay, kadib markii isu soo dhaweyntooda kaalin ka qaadatay Dowladda Kenya sida ay ilo xog ogaal ah ay sheegeen.