Xildhibaan Nuur Xaashi oo ah xubin katirsan Baarlamaanka DG Hir-Shabeelle oo la hadlay Badweyntims waxa uu ka jawaabay wararka sheegaya in ay suuragal tahay faragelin Dowladda Federaalka ku sameyso Doorashada Maamulkaas.
Nuur ayaa tilmaamay in aysan jirin sabab Dowladda ay u farageliso howlaha Doorashada sida xulista Ergo beeleedyada, Xildhibaannada iyo Madaxweynaha hoggaaminaya afarta sano soo socota.
Siyaasadda Hir-Shabeelle ayuu ku tilmaamay mid aan ku dhisneen hab mucaaradnimo ah, wada shaqeyn wanaagsan iyo wada tashiyo joogto ahna uu maamulkaas la sameeyo Dowladda Federaalka.
“Cabsi kama qabno Hir-Shabeelle ahaan in DFS ay farageliso Doorashada, waxa ay kaalin ku leedahay in ay kor joogteyso sida ay wax u socdaan, Nidaamka Dhismaha waa mid ay ku qanacsan tahay Dowladda oo maamulka mucaarad kuma ahan DFS” ayuu yiri Xildhibaan Nuur Xaashi.
Xildhibaan Nuur waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Si wanaagsan ayay wax u socdaan, kaalin dastuuri ah ayay ku leedahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Dhismaha Maamulka, kor joogteyn iyo wax toosin, Hir-Shabeelle Dowladdu uma aragto khatar mucaaradnimo”.
Nuur Xaashi Xildhibaankaan katirsan Golaha Wakiilada DG Hir-Shabeelle waxa uu sheegay in shaqo wanaagsan uu qabtay maamulkaas, waxa uu rajeeyay in la dhameystiro waxyaabaha dhiman ee wax ka qabashada u baahan.
Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle doorashada ayaa la filayaa in ay ka dhacdo, Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay xubnaha Guddiga farsamo si loo xareeyo Odoyaasha Beelaha, inkasta oo ay jiraan shaqsiyaad dhaliilsan Guddigaas, sabab la xiriirta hab qaybsiga beelaha, Haweenka oo aan xubin ku lahayn iyo waayaha aragnimada 11-ka xubnood.