Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo Khudbad ka jeedinayay furitaanka Kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka maamulkiisa ayaa kusoo bandhigay waxyaabaha waaweyn ee u qabsoomay muddada uu dhisan yahay maamulkaas.
Qoor-Qoor ayaa kusoo kooban todobo qodob oo qaybo hoosaadyo kale leh, isaga oo sheegay in maamulkiisa uu qorsheynayo hiigsiga himilooyinka fog si wax looga qabto waxyaabo kale oo horyaalla sida suu hadalka u dhigay.
“Waxaa inoo Furmay Kalfadhiga 2-aad Ee Barlamanka labaad Dowlada Galmudug, muddadii gaabteen ee la dhisay Galmudug-ta cusub waxaa la qabtay shaqooyin aad u muhiimsan, maamulka waxa uu gaaray guullo waaweyn oo aan kusoo koobay todobadaan qodob” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.
“Mudada Yareyd oo Aan Xilka Joognay Waxaa Noo Qabsoomay Howlo waaweyn Oo Masiiri’ ah Sida:-
1-Dib Uheshiisiin Siyasadeed oo Dhamaan Dhinacyada Siyasada Ay ka Qeyb Galeen.
2-Dib Uheshiisiin bulsho waxaan Dhignay Goglo Nabadeed Kuwo Kalana Wey Noo Qor Sheesanyihiin Inaa Dhigno.
3-Amniga Waxaa Noo Qabsoomay Inaa Dhismo Ciidamada Galmudug Sida Ciidamada Daraawiishta Galmudug Waxaa kalle oo Noo Socda Inaa Dhisno Ciidamada Police ka Galmudug oo Hada Howshooda Wasarada Amniga ay Gacanta ku hayso.
4-Cadaalada Waxaan Dhisnay Dhamaan Hay adaha Cadalada Sida Maxkada Sare Iyo Xeer Ilaalinta Galmudug.
5-Dhaqaalaha Waa Udub Dhexaadka Dowlad nimada Sidaa owgeed
- A) waxaan Meel Marinay Miisaniyada 2020 oo Aan Kordhinay 90% Marka Loo Eegi Sanadihii Hore.
- B) waxaan Derdar Gelinay Dib Uhabeynta Nidaanka Maliyada C) Waxaan Ku guuleysanay Dhameystirka Xeer Daqliga,
- D) Waxaa La mideeyay Nidaamka Aruurinta Daqliga Galmudug.
- I) Waxaa la Kordhidoona Dhaqalaha Canshuuraha iyadoo loo maraayo midaanka Shaqaleysiinta Hufan.
6-Dhismaha Golayaasha Degmooyinka wasarada Arimaha Gudaha waxey ku mashquulsaneed Soo Dhisada Golayaasha Degmooyinka Oo meel Gabo Gabo ah maraya.
7- Ugu Danbeyntii Waxaad ogtihiin In Galmudug ku Guuleysatay Shirarkii Dhusamareeb 1,2,3 Oo Soomaliya Marxalad adag Uga Gudubtay.
Ugu dambeyn Madaxweyne Qoor-Qoor waxa uu Baarlamaanka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Madaxda iyo laanta fulinta oo wajahaya howlo badan oo horusocod u baahan si door muuqda ay uga qaataan howlaha dalka.
“Golaha Baarlamaanka Sharafta leh Waxa aan ka Codsanayaa Iskaashi, Isla Shaqeyn, Is dhamweystir lagu Gaaro Xasilooni Siyaasadeed Dhaqaale Amni, Hormar Iyo Barwaaqo” ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye.