Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug Xildhibaan Maxamed Nuur Gacal ayaa sheegay in howlo badan ay horyaallaan lana doonayo in lagu ansixiyo inta lagu guda jiro Kalfadhiga labaad ee xalay u furmay.
Gacal ayaa tilmaamay in 25-Hindise sharciyeed in Golaha Wakiilada uu horyaallo, meelaha ay ka yimaadeen ay yihiin Wasaaradaha Maamulkaas oo mid waliba u gudbisay hal hindise sharciyeed si cod baarlamaan loogu helo.
“Wasaarad waliba waxa ay soo gudbisay hal hindise sharciyeed oo ay baarlamaanka ka dooneyso in uu u ansixiyo, dabcan waa howlaha ugu muhiimsan ee nalaga doonayo meelmarinta kalfadhiga labaad inta aan ku guda jirno” ayuu yiri Afhayeenka Golaha Wakiilada Galmudug.
Ka qaybgalka doorashada dalka, maadaama Baarlamaanka uu door ku leeyahay deegaan Doorashada, dib u habeynta Dastuurka, la xisaabtanka Laanta Fulinta Galmudug iyo Dhismaha Golaha Deegaanka.
“Shaqooyin culus ayaa na horyaalla inta uu furan yahay kalfadhiga labaad, Doorashada dalka ayaa kamid ah, maadaama Xildhibaannada lagu soo dooraanayo Xarumaha Dowlad Goboleedyada” ayuu sii raaciyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.
Guddoomiye Maxamed Nuur Gacal ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in hannaan wanaagsan ku wajahaan Hindise sharciyeedyada loo gudbiyay, isaga oo dalbaday in laga gacansiiyo fududeynta howlahaas.