Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday gaadiid uu la socday taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed janeraal Odawaa Yuusuf raage xilli ay marayeen agagaarka Isbitaalka xoogga dalka.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in gaari nooca loo yaqaano saaruf oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lala eegtay gaadiidka uu watay taliyaha,hayeeshee ka hor weerarka ay ciidamada rasaas ku fureen gaariga taas oo keentay in uu qarxo.
Inta la xaqiijiyay qaraxaasi ayaa waxaa ku dhintay qofkii waday gaariga laga soo buuxiyay waxyaabah qarxa iyo haweenay goobta mareysay,sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Hay’adaha Amniga Soomaaliya.
Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay Warbaahinta dowladda qaraxa kadib ayaa xaqiijiyay in bartilmaameedkoodu ahaa in ay isaga khaarijiyaan balse ciidamada Ilaalada u ah oo aad u foojignaa ay ka hortageen.