Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Somaliland ee dagaalka ku qabsaday 8-dii January 2018, waxaana maanta tagay saraakiil katirsan Somaliland oo uu hoggaaminayay Taliyaha guud ee Ciidamada Gen. Nuux Ismaaciil Taani.
Taliye Taani ayaa la hadlay saraakiisha, waxa uu ka xog dhageystay xaaladda ay ku sugan yihiin, dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan iyo weerarada mararka qaar ay la galaan Ciidamada Puntland oo ay ka qabsadeen deegaankaan.
Socdaalka Taliyaha guud ee Somaliland Gen. Nuux Ismaaciil Taani oo ahaa mid aan horay loosii shaacin waxaa ku wehliyay saraakiil katirsan ciidamada maamulkaas, Odoyaasha deegaanka iyo xubno kale.
Ciidamada ku sugan Tukaraq ayaa sii diyaariyay qaar kamid ah dadka deegaanka oo isugu jiray Haween, Odoyaal iyo dhalinyaro, halka Askarta ku sugan xeryaha iyo dufuusyada hore feejignaan la geliyay.
Kolonyo gaadiid dagaal ah ayaa kasii horeysay, Askarta waxa ay xireen waddooyinka muhiim u ah isu socodka Tukaraq iyo deegaannada kale Gobolka Sool oo ay isticmaalayeen wafdiga Taliyaha, si aysan weerar kala kulmin Ciidamada Puntland oo marar kala duwan jidgal ku sameeyay.
Somaliland ayaa xoojineysa ciidamadeeda ku sugan furimaha dagaalka ee Deegaanka Tukaraq, dhowr jeer waxa ay la dagaalameen Ciidamada Puntland ee ku sugan meel aan sidaas uga fogeyn aagga hore ee deegaankaas.
Maalmihii lasoo dhaafay Somaliland waxa ay badal ku sameysay qaar kamid ah Ciidamadeeda waqtiga dheer ku sugan Deegaanka Tukaraq, halka askar kale oo tababar qaatay lagu xoojiyay sida Mustaqbal ay u sheegeen dadka deegaanka.
Puntland ayaa u biro tumaneysa sidii ay dib ugu qabsan lahayd Deegaanka Tukaraq, hase yeeshee iska caabbin ayay kala kulantay Somaliland.
Somaliland iyo Puntland waxa ay kala sheegayaan Gobollada Sool iyo Sanaag in maamul ahaan ay hoostagaan, waqti fog labada dhinac waxaa dhexmaraya dagaalo daba dheeraaday.