Dowladda Somalia ayaa wada dadaaladii ugu dambeeyay ee lagu xasilinayo xaaladda siyaasadeed ee dalka xili waqtiga dowladda uu sii dhamaanayo.
Madaxtooyadda SOMALIA ayaa isku dayaysa in asxaabta siyaasadda dalka iyo maamul Goboleedyadda ay kala hadasho qorshaha dowladda ee ah in awooda lagu celiyo shacabka oo ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah.
Laakiin, sida ay sheegeen gudiga doorashadda Qaranka waxaa ay doorashooyinkaas u baahan yihiin waqti dheeraad ah.
Hadda, Madaxweynaha Somalia ayaa lasoo sheegayaa in gudoomiyaha golaha Shacabka Soomaalia uu udiray in siyaasiyiinta Mucaaradka ah oo ay ugu tun weynyihiin Madaxweynayaashii hore si uu ugala hadlo sidii dowladda loogala shaqeyn lahaa qorshaha ay u dajisay iney udhacdo doorashadda dalka.
Kulankan oo ahaa mid xamaasadiisu sareyso ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal iyo ku xigeenkiisa Cabdiweli Ibraahim Muudey oo dhinac ah iyo madaxda Madasha Xisbiyada Qaran Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.
Saxafiyiinta ayaa loo diiday iney kulankan goob joog ka noqdaan sababo la xariria arimaha laga wada hadlayo oo u badan waxyaabo qarsoon, laakiin Warar lagu kalsoon yahay oo ay Warbaahinta heshay ayaa sheegaya in Gudoomiyaasha Baarlamaanka ay fariin ka sideen Madaxweyne Farmaajo.
Xogta aan helnay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo uu labo Arin ka dalbaday Madaxweynayaashii hore.
Qodobka Koobaad ayaa ah: Iney mar kale yeeshaan kulan ka dhacaya Villa Somalia.
Qodobka Labaad ayaa ah: In Arimaha laga wada hadlayo ay tahay arinta doorashadda.
Si kastaba, Kulanka Kadib ayaa Gudoomiyaha Madasha Sh Shariif Sh Axmed waxaa uu Warbixin kooban ka bixiyay Waxyaabihii kulanka looga hadlay.
Waxaa uu sheegay in Ujeedka kulanka uu ahaa in xaaladda dalka leyska wareysto gaar ahaan in Guddoonka Golaha Shacabka uu warbixin la wadaago Madasha Xisbiyada Qaran oo talooyin dhowr mar oo hore u jeedisay hoggaanka dalka.
Shariif Sh AXMED ayaa sheegay in si gaar ah ay kulankaas uga doodeen baahida loo qabo in doorashooyinka waqtigooda ay ku dhacaan, ayna noqdaan kuwa laga wada tashaday oo loo dhan yahay, keeni kara nabad iyo horumar, loogana gudbi karo xaaladda adag ee dalku uu ku jiro maanta, isla markaana ay jirto mabaadii guud iyo damaanad lagu xaqiijinayo dhammaan qabsoomidda howlahaas baaxadda leh oo ay noo muuqato in madaxda dowladdu aysan daacad ka ahayn.
Madaxweynihii hore ee Somalia Sh Shariif oo hadlayay ayaa yiri ”Waxaan kaloo isla garannay in wada hadallada la sii wado si ay u sahlanaato in isfaham buuxa laga gaaro arrimaha xasaasiga ah ee ku gadaaman doorashada Qaranka, ayna tahay in maankana lagu hayo dhinacyada muhiimka u ah hanaankaas oo ay tahay in dadaal xooggan lageliyo sidii loogu qancin lahaa, si loo helo aragti mideysan oo ay kadhalan karto kalsooni iyo in lagu wada qanco habka doorashooyinka oo loo marayo dariiqa saxda ah ee uu qabo dastuurka KMG ee Soomaaliya.
Mucaaradka ayaa si weyn uga soo horjeeda qaabka ay dowladu udiyaarineyso doorashadda soo socota , halka Madaxweyne Farmaajo uu horey usheegay in hadafkoodu yahay in doorashadu udhacdo si qof iyo cod ah.
Waxaa kale oo jira Warar sheegaya in suuragal ay tahay in dowladda iyo mucaaradku ka heshiiyaan kala duwanaashaha siyaasadeed ee taagan, taas badalkeena laga shaqeeyo mudo kororsi aanan la cayimin oo suuragal ka dhigi karta in dalka doorasho lagu wada qanacsan yahay ay ka dhacdo.
Dhanka kale, kulankan waxaa uu kusoo aadayaa Xili ay soo baxayaan Warar sheegaya in Beesha Caalamku ay cadaadis xoogan saartay Madaxda Somalia.
Warar ay tabineyso qaar ka mid ah saxaafada gudaha Somalia ayaa sheegaya in Safiiradda QM iyo Mareykanka ee Somalia ay la xariireen Madaxweyne Farmaajo taasna ay keentay inuu dalbado kulan uu la yeesho Hogaamiyaasha Mucaaradka a.
Dhanka kale, Villa Somalia ayaa war rasmi ah kasoo saartay baaqashadda kulankii amniga qaranka ee DF iyo Maamul Goboleedyadda.
Kulankan oo uu horey u iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa ay aheyd inuu bilowdo Axadii shalay, laakiin dhamaan madaxdii maamuladda ayaanan magaalada imaan.
Afhayeenka Madaxweynaha ahna Agaasimaha dhanka Warfaafinta Villa Somalia ayaa sheegay in dowladu aysan ka niyadjabi doonin isku daygeeda ah in la isku yimaado wax walbana wadahadal lagu dhameeyo.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in dowladu ay sida ugu dhaqsiyaha badan soo shaacin doonto xiliga rasmiga ah ee uu qabsoomi doono kulankaas.
”Ujeeddada shirka loo madlanyahay waa in laga dhabeeyo rabitaanka xooggan ee ay shacabku ku doonayaan inuu kulanku dhaco, ayna ka soo baxaan qodobo dan u ah ajendeyaasha qaran ee hortabinta uleh dowlad dhisidda Soomaaliya”Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Madaxweynaha ayaa sidaas sheegay.
Arimaha doorashadda ayaa ka mid ah qodobada ugu waa weyn ee horyaal golaha amniga ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo, laakiin maamul Goboleedyada ayaa umuuqda kuwa ka caga jiidaya kulankan maadamaa midkoodna uusan Muqdisho imaan.
Jubbaland iyo Puntland ayaa horey u qaadacay kulankaan, maadaama ay ku dodeen in Madaxweynuhu ku guul dareystay inuu hakiyo doodihii baarlamaanka ee ugu dambeyn lagu ansixiyay IN Gobolka Banaadir Matalaad ku yeesho Aqalka Sare taas oo maamuladan kak careysiisay.
Si kastaba, dowladda ayaa dooneysa in maamul Goboleedyadu aysan lahaan awood ka badan tan dowladda dhexe, waxaana qorshaha Villa Somalia ka mid ah in xataa aysan awood ku yeelan arimaha doorashadda.
Warar aan Xaqiiqdisa helnay ayaa sheegaya in Gudoomiyaasha Baarlamaanka Somalia iyo Madaxtooyadda ay isku fikir ka yihiin in madaxda maamul Goboleedyada aysan wax lug ah ku yeelan arrimaha Doorashada oo awoodaasi la siiyo Guddiga Doorashada Qaran ee Xaliimo Yarey hoggaamiso