Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaa uu kulan kula qaatay ururada Bulshada rayidka,kaas oo looga hadlay arrimo dhowr ah.
Ururada Bulsahada rayidka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay wadeen dadaalo ay ku doonayaan wada-hadallo ay yeeshaan dhamaan dhinacyada saamileyda Siyaasadda Soomaaliya.
Illo wareedyo ayaa ku waramay in kulankaas ay Bulshada rayidka kale hadleen in wada-hadallo toos ah dehx-maraan,Madaxda Dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo saamileyda dalka si looga arrimaha Siyaasadda iyo doorashooyinka.
Xubno kamid ah Ururada Bulshada rayidka ayaa waxaa ay sheegeen in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu soo dhaweeyay dalabkooda wada-hadallo dib loo ambaqaadi ,isla markaana ay ku kalsoon yihiin in Madaxweynaha uu bilaabo wada-hadallada dhinacyada Siyaasadda dalka oo kala ragti duwan.
Madaxtooyada Soomaaliya oo inta badan soo andhigta kulamada uu ka qeyb-galo Madaxweyne Farmaajo ayaanan weli wax war ah kasoo saarin kulanka uu Madaxweynaha la qaatay Xubno ka socday Ururada Bulshada rayidka Soomaaliyeed.