Magaalada Baydhabo waxaa lagu dilay AUN Shariif Muqtaar Jiis oo ahaa Guddoomiyihii Ururka Naafada Dowlad Goboleedka KGS, waxaana toogatay koox hubeysan sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo wareedyo.
Shariif waxa uu u ol-oleynayay dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee aan lixaadkooda dhameystirneen, maadaama uu guddoomiye u ahaa, balse koox hubeysan ayaa xalay ku dishay Gudaha Magaalada Baydhabo.
Guddoomiye Shariif Muqtaar waxaa lagu dhex dilay Hogyiigsa oo ku yaalla Xero Barakac oo ku taalla Magaalada Baydhabo oo xarunta KMG u ah ee Dowlad Goboleedka KGS.
Dilka kadib, Guriga Marxuumka waxaa tagay Ciidamada ammaanka oo meydkiisa u qaaday xarumaha baarista si loo diiwaangeliyo, waxa ay ku dhaqaaqeen baaritaanno ay ku raadinayaan kooxdii dishay.
Shariif Muqtaar Cali (Jiis) waxa uu lixaadkiisa ku waayay dhaawac loo geystay sanadkii 2008-dii, wixii xiligaas ka dambeeyay waxa uu ahaa Nin naafo ah oo Gurguurta, maadaama uu gabay socodka.
Qaar kamid ah Asaxaabta Marxuumka waxa ay Mustaqbal u sheegeen in waqtiii dhaawaca loo geysanayay Shariif Muqtaar waa Bartamihii 2008-diiyee, in meyd ahaan ay uga tagtay kooxdii rasaasta ku dhufutay.
“Shariif waxa uu ahaa Nin Cuuryan ah oo lugihiisa ku waayay rasaas ay ku dhufteen koox hubeysan 2008-dii, waxa uu ku soconayay Kursiga dadka Socodka gaba lagu wado, waxa uu ahaa Nin aqiyaar ah oo wanaagsan, samafale, Nabadoon dadka dhexdhexaadiya” Sidaasi waxaa Mustaqbal u sheegay qof kamid ah dadka aqoonta u leh.
Hay’adaha ammaanka Koofur Galbeed ayaa wada baaris ay ku raadinayaan dadka ay la xiriirinayaan in ay ka dambeeyeen dilka Guddoomiyihii Ururka Naafada Dowlad Goboleedkaas ee xalay lagu dilay Baydhabo.